Saturday, October 17, 2026

Maxuu Madaxwayne Trump Saska Uga Qaaday Magaca Muxamed.?

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku celceliyey hadalo u muuqda inuu ku naqdiyayo ama ku diidan yahay magaca ‘Muxamed’ oo ah magaca nebigeenii suubanaa ee Muxamed SCW.

Falanqeeyayaal iyo warbaahinta caalamka islaamka ayaa warbixino kala duwan ka qoray sababta uu Donald Trump magaca ‘Muxamed’ sida jees-jeeska uga hadlo, isagoo arrintaasi dhaliil uga dhigaya Abdulrahman Mohamed El-Sayed oo ah musharax xisbiga Dimuqraadiga uga sharaxan Gobolka Michigan, si uu uga mid noqdo Aqalka Senate-ka ee Baarlamanka Maraykanka.

Trump waxa uu dhawr jeer si dadban u muujiyey in laga hortago in dadka ajaanibka ah ee dhaladka ahayn iyo dadka muslimiinta ahi aanay saamayn ku yeelan golayaasha qaranka Maraykanka, isagoo tusaale u soo qaata mudaharaadyada ka socda Faransiiska oo ku eedeeyey inay sabab u yihiin dadka muslimiinta ah ee Yurub ku soo badanaya.

Magaca ‘Muxamed’ ee Trump uu saska ka qabo waxa uu ka mid yahay magaca ugu saamaynta weyn, uguna shacbiyada badan dunida, iyadoo xogta ugu damaysay ay sheegayso in ugu yaraan 150 milyan ilaa 200 oo milyan oo qof dunida uu magacoodu yahay Muxamed.

Sidoo kale, magaca Muxamed waxa uu ka mid yahay magacyada ugu horeeya qaarad kasta oo dunida, taasi oo meesha ka saaraysa doodda Trump ee ah in magacani uu caan ka yahay Gobolka Bariga Dhexe oo qudha.