Saturday, April 25, 2026

Xaaladda kacsan ee Dalka Mali Oo Faraha kasii baxaysa,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mali:-Xaaladda kacsan ee dalka Mali ayaa faraha kasii baxaysa, ciidamadii dowladda dalkaas ayaa u muuqda kuwa aan iska caabin karin weerarka kooxaha isbahaysanaya ee Islaamiyiinta ah kusoo qaadeen.

Inta badan meelaha muhiimka iyo magaalooyinka waa weyn ee dalka ayaa ka baxay gacanta dowladda, waxaana weli soconaya dagaal ku fidaya caasimadda Bamaako. Maxamed Ramadane, oo ah af-hayeenka Isbahaysiga Xoreynta Azawad (FLA)—oo ah isbahaysi mucaarad ah oo ay u badan yihiin qowmiyadda daawiriqda( Tuwaarik), ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku sheegay in ciidamadoodu ay “si buuxda u xukumaan magaalada Kidal”, isla markaana ay wali sii wadaan hawlgallada ciidan.

Madaxweynihii dalkaas Assimi Goïta iyo xukuumadiisa ayaa weli warbixin rasmi ah laga hayn. Waxaana xoogaysanaya suuragalnimada uu dalkaas ku aadayo dagaal sokeeya ama in talada dalkaas laga tuuro kacaanka ka taliya.