Saturday, April 25, 2026

Wasiirka A.Gudaha Suuriya Oo su’aalo waydiiyey Arxan laawe Amjad Yuusuf kaddib Qabashadiisii Isbuucan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Amjad Yuusuf waxa uu ahaa askartii dadka xasuuqi jirtay xilligii Bashaar Al-asad ka talinayey dalka Suuriya.

Waxaa uu ku eedeysanyahay in uu shacab badan oo Sunni ah isku xirxiray, muuqaallo kaduubay kaddibna godad ku guray, amrayna in godadka dhexdooda lagu toogto ugu dambayntiina godkii ku gubay.

Waxa uu kasoo jeedaa shiicada tirada yar ee dalka Suuriya ku qooqaysay tobannaanka Sano.

Waxaa layaableh ninkii uu dartiis shacabka u xasuuuqayey in uu ka tegey oo uusan badbaadin.

Qofkasta oo qofkale dartiis dad u dhiba ama xil yar oo loo dhiibay awgeed umaddiisa u gumeeya tabtaas baa u dambayn doonta.

Muuqaalka faallada 1aad ka arag su’aalihii la waydiiyey waxaa ka mid ahaa; “Miyaadan Carruur dhalin maxaad sidii la arkay ugu gashay ilmaha yaryar”❓

Afka ayuu meermeeriyey wax jawaab ahna waa uu u waayey.