13
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Mareykanka, Ruushka, iyo Shiinaha ay dhammaantood isku mowqif ka yihiin arrimo la xiriira Yurub.
Macron ayaa tilmaamay in marka saddexdan quwadood ay hal aragti ka wada siman yihiin, ay taasi tahay arrin mudan in si dhab ah loo fiiriyo.
Hadalkan ayaa muujinaya walaaca Paris ee ku aaddan isbeddellada ku socda xiriirka caalamiga ah iyo sida ay quwadaha waaweyn u saameyn karaan danaha Yurub.
