Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tacsi u diray qoysaska iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen askartii ku geeriyootay weerarkii argagixisada ee deegaanka Jameeco, isaga oo ku baaqay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadaas.
Farmaajo ayaa dhaliil u jeediyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo ku eedeeyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo awood ciidan, isla markaana ciidamada loo diro dagaallo iyo hawlgallo uusan ku tilmaamay kuwo aan qorshaysnayn.
“Ma jirto dan siyaasadeed oo qiimaheedu gooyo dhiigga askari Soomaaliyeed,” ayuu Farmaajo ku yiri qoraalkiisa, isaga oo ku baaqay in la baaro dhacdada Jameeco iyo kuwii ka horreeyay, lana xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka ahayd dayacaad soo gaartay ciidamada.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale dalbaday in dhaawacyada ciidanka la siiyo daryeel caafimaad oo ku filan, kuwa xaaladdoodu culus tahayna la gaarsiiyo xarumo caafimaad oo dabooli kara baahidooda. Wuxuu intaas ku daray in qoysaska iyo agoonta askarta geeriyootay la siiyo xuquuqdooda.
Farmaajo ayaa ugu dambayn ku baaqay in la kordhiyo mushaharka iyo gunnooyinka Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo sheegay in ciidamada qaarkood aan mushaharkooda wax kordhin ah lagu samayn sannadihii u dambeeyay, halka kuwo kalena laga jaray mushaharkoodii bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo uu dalbaday in loo soo celiyo xuquuqdooda.
