Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal kale uu ka qarxo gobolka.
Badr Busaidi ayaa telefishinka Channel 4 ee Ingiriiska u sheegay in dalalka Khaliijku ay tahay inay sii wadaan doorkooda hoggaamineed ee Bariga Dhexe.
Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hannaan cusub oo amni oo gobolka Gacanka Faaris ah, halkii dalalka gobolka ay si weyn ugu tiirsanaan lahaayeen Maraykanka oo ah kan ugu weyn ee amniga suga, waa inay iyagu door muuqda ka qaataan xaqiijinta amnigooda.
Ka hor dagaalkii dhowaan dhacay, Cumaan waxay dhex-dhexaadin ka dhex waday Iiraan iyo Maraykanka.
Goor dhaw ayey markii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu isna ka digay dagaal ama weerarro cusub oo ay Israa’iil ku qaaddo Iiraan in ay keeni karto dhibaato cusub oo saameyn doonta ganacsiga gobolka iyo kan caalamka.
Sidoo kale, Iiraan ayaa Qatar ugu baaqday inay “u hoggaansanto shuruudaha dhexdhexaadinta”, oo ay noqoto waddan dhex dhexaad ah.
Mas’uul u hadlay Qatar ayaa hore u sheegay in “Iiraan ay tahay inay joojiso hanjabaadaha ay u jeedinayso dalalka gobolka”.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Qatar ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u gudbisay qabyo-qoraal cusub oo heshiis ah.
