Saturday, April 25, 2026

“Tusaale waxa inoo filan intii Trump inaga Sheegay.”Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa farriin culus u diray umadda Soomaaliyeed, isagoo yidhi: “Dadka Soomaaliyeedow, tusaale waxa inoo filan intii Trump inaga sheegay. Maantana laba mid uun baynu noqonaynaa: dad ama dawlad leh oo tashaday, ama kuwo sidaa xun ee ninkaasi ka sheegay ah oo dunida ka hadhay.”

Hadalkan Boqorka ayaa ah mid lagu baraarujinayo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay isku-duubni iyo in masiirka dalka laga wada tashado si looga gudbo sawirka xun ee ay caalamku inaga aaminsan yihiin.

Sharaftu waxay ku jirtaa inaan noqonno qaran dhab ah oo adduunka la tartama, intii aynu noqon lahayn dadyow laga hadhay oo masiirkoodu lumay.