Wasiirka Difaaca Maraykanka Oo ka Hadlay Hawlgalo ay ka Wadaan Marinka Hormuz

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Difaaca Maraykanka Pete Hegseth ayaa la weydiiyay in hawlgallada Maraykanku ka wadaan marin-biyoodka Hormuzay ka dhigan yihiin in xabbad-joojintii dhammaatay.

Wuxuu ku jawaabay: “Maya, xabbad-joojintu ma dhammaan.” Wuxuuna intaas ku daray: “Arrintan waa hawl gaar ah oo ka duwan tan kale.”

Si kastaba, wuxuu Iiraan ku booriyay inay taxaddar muujiyaan oo ficilladooda ka ilaaliyaan heer sababi kara dib u bilowga dagaalka.

“Waqtigan xaadirka ah, xabbad-joojintu way jirtaa,” ayuu yir.

Dhinaca kale Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay hadda ku hawlan yihiin la dagaallanka weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka imanaya Iran, iyadoo xiisadda gobolka ay si weyn u sii kordhayso.

Wararka ayaa tilmaamaya in difaacyada cirka ay isku dayayaan inay qabtaan oo burburiyaan gantaallada iyo drones-ka kusoo wajahan dalka, taasoo muujinaysa koror halis ah oo ku yimid khilaafka Bariga Dhexe.