Midowga Afrika oo ku Baaqay In Wada-hadal lagu Xalliyo Xiisadda Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ururka Midowga Afrika ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee ka soo korortay magaalada Muqdisho, gaar ahaan wararka la xiriira iska horimaadyada hubeysan ee ka dhacay goobaha ay shacabka ku nool yihiin.

War-saxaafadeed uu soo saaray Midowga Afrika ayuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan dagaallada, muujiyaanna is-xakameyn buuxda si loo ilaaliyo shacabka loogana hortago tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda taagan.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku boorriyay dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo habraacyada dastuuriga ah ee dalka u yaalla.

Wuxuu dhiirrigeliyay dadaallada uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhammaan dhinacyada siyaasadda ee ku aaddan horumarinta wada-hadal qaran, dib-u-heshiisiin iyo dhisidda is-afgarad horseeda xasillooni siyaasadeed.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si dhow ula socon doono xaaladda, isagoo caddeeyay in Ururka Midowga Afrika, iyada oo loo marayo AUSSOM , uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu ku bixinayo dib u soo celinta nabadda iyo amniga Soomaaliya.

Baaqa Midowga Afrika ayaa ku soo beegmaya xilli walaac caalami ah laga muujinayo xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Muqdisho, iyadoo hay’ado iyo dalal dhowr ah ay ku baaqeen in la ilaaliyo nabadda, lana xoojiyo wada-hadalka siyaasadeed.