Iran ayaa si kulul u cambaareysay dilka uu Israa’iil u geysatay taliye sare oo ka tirsanaa Guutada Al-Qassam ee ururka Xamaas, kaas oo lagu dilay gudaha Marinka Gaza isaga iyo xaaskiisa iyo cunuggiisa, iyadoo Tehran ay weerarka ku tilmaantay isku day cusub oo Israa’iil ay ku doonayso inay ku wiiqdo ruuxa iska caabbinta Falastiiniyiinta.
Bayaan kasoo baxay dowladda Iran ayaa lagu sheegay in weerarrada noocan oo kale ahi ay muujinayaan “quus iyo fashil” ay Israa’iil kala kulantay dagaalka Gaza, isla markaana aysan jebin doonin adkeysiga iyo halganka shacabka Falastiin.
Wararka ayaa sheegaya in taliyeha la dilay uu ahaa Izz al-Din al-Haddad, oo kamid ahaa hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya garabka militariga Xamaas, kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay magaalada Gaza. Xamaas ayaa xaqiijisay dhimashadiisa, iyadoo sheegtay in weerarkaasi sidoo kale sababay dhimashada dad rayid ah iyo dhaawacyo kale. “
