Weeraro Cusub Oo Lagu Qaaday Jasiirada Qeshm Iyo Iran Oo Jawaab Weerar ah ku Qaaday Baxrayn

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Barasaabka Hormozgan ayaa ku dhawaaqay in weeraro cusub caawa lagu qaaday jasiirada Qeshm.

Taleefishinka iyo Raadiyaha Iiraan ayaa baahiyay Barasaabka jasiirada oo ka hadlaya weerarka lagu soo qaaday ayaa yri:-“Markii ay ahayd 7:00 p.m., Jasiirada Qeshm waxaa ku dhacay gantaalo cadowga Maraykanka’’.

Saraakiisha Iiraan ayaa horay ugu dhawaaqay mowjado cusub oo weeraro Maraykanku uu ku qaaday Koonfurta dalkaasi, oo ay ku jiraan Abadan, Mahshahr iyo Bushehr.

Sida laga soo xigtay oo ay ku dhawaaqday CENTCOM, Iran waxa ay gashay go’doomin ciidamada badda Maraykanka mar kale muddo saacado ah.

Dhinaca kale Iran oo ka jawaabaysa duqaymaha lala beegsaday caawa jasiirada Qeshm ayaa weerar duqaymo ah ku qaaday dalka Baxrayn iyadoo Saacad ka hor, seeriga digniinta duqeymaha cirka laga maqlay dalkaasi Baxrayn.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ayaa ku dhawaaqday digniinta duqaymaha markii Manama ay sheegtay inay ka hortagtay weerarro dhowr ah oo ay Iran soo qaaday.

“Seeriga digniinta waa la shiday,muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka waxaa laga codsanayaa inay isdejiyaan isla markaana ay galaan goobta ugu dhow ee ammaan ah,” ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ku sheegtay bayaan lagu daabacay baraha bulshada.

Wakaaladda Wararka ee Fars ayaa baahisay muuqaal iyadoo qortay: “Ilo wareedyo ayaa sheegay in gantaallo tiro badan loo adeegsaday weerarka lagu qaaday saldhigyada milatariga Mareykanka ee Baxrayn.”

Horey ayay Iran u shaacisay inay weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Kuwait, Baxrayn, iyo Urdun.