Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq Cali Al-Zaidi, kaas oo maanta gaaray Washington markiisii ugu horreeysay ee uu safar dibadeed oo rasmi ah uga baxo Ciraaq, tan iyo markii uu xilka la wareegay May 2026, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP News.
“Wuxuu si weyn u beddelay dalkaas, gaar ahaan sida ay hadda u arkaan Mareykanka, waxaan hadda yeelanay iskaashi aad u ballaaran oo dhinaca shidaalka ah, kuwaas oo si degdeg ah u samaysmay muddooyinkii u dambeeyay, kana mid ah heshiisyada ugu waaweyn.”
Intaa ay saxaafadda wadajir ula hadlayeen, wuxuu Trump sheegay in bog cusub u furmayo Mareykanka iyo Ciraaq, waxaa kaloo uu tilmaamay inay ka wada shaqeyn doonaan sidii hubka looga dhigi lahaa kooxaha ay Iiraan taageerto ee ku sugan Ciraaq.
Balse, Trump wuxuu shirka jaraa’id ku soo gabagabeeyay; “ al-Zaidi waa nin dhallinyaro ah oo qurux badan.”
Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa dhankiisa sheegay in 30-ka Sebtembar uu noqon doono waqtiga si rasmi ah loogu soo afjari doono joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq, isaga oo caddeeyay inaanay jiri doonin wax ciidan Mareykan ah oo ku haraya dhulka Ciraaq.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in aanay jirin baahi dambe oo loo qabo in ay jiraan kooxo hubeysan oo ka baxsan hay’adaha rasmiga ah ee dowladda, isaga oo xusay in hubka iyo amniga dalka ay tahay in ay si buuxda u maamulaan hay’adaha dowladda.
Ra’iisul wasaaraha Ciraaq, Cali al-Zaidi oo xilkan qabtay labo bilood ah ka hor (14,May 2026) ayaa isla markiiba casuumad ka helay Trump, wuxuuna maanta booqday Aqalka Cad, halkaas oo wadahadallo uu kula qaatay Madfaxwayne Trump.



