Dawladda Cumaan ayaa noqotay dalkii u horreeyay ee Khaliijka oo qaadacay siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Khaliijka.
Wasiirka arrimaha dibadda Cumaan, Badr Al-Busaidi ayaa sida ay baahisay Al Jazeera , wuxuu si cad u sheegay in looga baahanyahay dalalka Khaliijka inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirka iyo siyaasadda Mareykanka uu kula dhaqmayo dalalka Carbeed , isagoo sidoo kale kor u sheegay khatarta ugu weyn ee amni oo gobolka Khaliijka uu wajahayo inay tahay Israa’iil.
Wuxuu yiri ; “ Waxaa la soo gaaray xilligii dib u habeyn lagu sameyn lahaa xiriirka Mareykanka, si uu ula jaanqaado xaqiiqada istaraatiijiyadeed ee uu soo muujiyay dagaalku.”
Wuxuu intaas ku daray:“Dagaalkan hadda socda wuxuu ahaa masiibo. Ma uusan haysan oggolaansho ka yimid Qaramada Midoobay, mana uusan gaarin mid ka mid ah ujeeddooyinkii loo galay.”
