Prof John Oo Dunidda uga Digay in Dib Loogu Laabto Dagaalka Iiraan ISRL ku Eedeeyay Inay…

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Borofisar John Mearsheimer oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jmaacadda Chicago ee dalka Mareykanka ayaa maanta dunidda uga digay in dib loogu laabto dagaalka Iiraan.

Prof John ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhinac fahansan dagaalkan in looga adkaaday oo hab militari aan lagu jebin karin Iiraan, sugayna fursad dib dagaalka ugu qarxo , si ay u adeegsadaan tallaabooyin aan ka soo laabasho lahayn, isagoo dhinacaa ku sheegay Israa’iil.

Wuxuu yiri;“ Israa’iil dagaallada bariga dhexe waxay u hurisaa si ay u noqoto awoodda gobolka cabsi galisa, laakin waxay hadda ku soo dhacday boos ah inay noqotay nidaam isaga u baahan in la difaaco oo ku muuq beelay dagaallada , oo sugaya dagaalka Iiraan haddii dib loogu laabto inay adeegsadaan wax kasta oo ay heli karaan oo hubka nukliyeerku ku jiri karo.”