Monday, September 21, 2026

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan la Qaatay Madaxwaynaha Taiwan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, oo ku guda jira safarkiisa shaqo ee dalka Taiwan, ayaa maanta ka mid noqday madaxda iyo masuuliyiinta la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Taiwan, Mudane Lai Ching-te, kulan muhiim ah oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Taiwan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha la xidhiidha amniga, badbaadada bulshada, maaraynta khataraha dabiiciga ah iyo iskaashiga hay’adaha labada dhinac.

Wasiirka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay Somaliland siinayso xoojinta iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo u diyaargarowga khataraha dabiiciga ah, kuwaas oo muhiim u ah ilaalinta bulshada iyo horumarinta awoodaha hay’adaha qaranka.

Madaxweynaha Taiwan, Mudane Lai Ching-te, ayaa sidoo kale kulanka kaga hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo dhinacyada danaha wadajirka ah.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay safarka shaqo ee Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL ee Taiwan, kaas oo ujeeddadiisu tahay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan amniga, maaraynta khataraha iyo horumarinta awoodaha hay’adaha qaranka.