Tuesday, September 22, 2026

Erdoğan: “Waxaan sii Wadi doonnaa Taageerada Somaliya Iyo soo Afjarista Dagaalka Xuutiyiinta iyo Sacuudiga”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay dagaallada ka socda Bariga Dhexe, isagoo yiri: “Sii socoshada colaadahaasi dan uma aha cidna.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa khudbaddiisa Qaramada Midoobeyku sheegay taageeerada uu u hayo dawlada Somaliya: “Waxaan taageereynaa amniga, horumarka iyo awood-siinta hey’adaha dowladda Soomaaliya.”…

Qayb kale oo khudbaddiisa ka mid ah ayuu Erdoğan ku yiri: “Qof damiir leh ma indhaha ka qarsan karo waxa Gaza ka dhacaya.”

Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay ku guuldarreysatay waajibaadkeedii ahaa inay nabad abuurto, wuxuuna ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.