Sunday, November 15, 2026

Sirdoonka Somaliland Oo Gacanta ku Dhigay Shan Nin Oo Maraykan ah Oo ku Hawlan Falal Lid ku ah.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hay’adda Sirdoonka Somaliland (NIA), ayaa qoraal ay mar dhawayd faafisay ku sheegtay inay gacanta ku dhigeen shan nin oo u dhashay dalka Maraykanka, kuwaasi oo ku hawlanaa inay fuliyaan falal khatar ku ah amniga qaranka Somaliand.

Qoraalka Sirdoonka Somaliland ee lagu faafiyey barta X, waxa kale oo lagu sheegay in raggan reer Maraykan uu sirdoonka Somaliland isha ku hayey, lana socday dhaqdhaqaaqooqa tan iyo markii ay dalka soo galeen.

Waxayna Sirdoonku sheegeen in baadhitaano qoto-dheer lagu sameeyey, kadib raggaasi la qabtay lagu wareejiyey Safaaradda Maraykanka.

Sirdoonka Somaliland may faahfaahin xiliga ay raggaasi dalka soo galeen,mudddada ay xidhnaayeen iyo waqtiga ay Safaaradda Maraykanka ku wareejiyeen midna