Imaaraadka Carabta Oo ku Eedeyay Iiraan inay Weerartay Markab Shidaal Qaada Oo Marayay Hormuz.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeyay Iiraan inay weerartay mid ka mid ah maraakiibtooda qaada shidaalka , xilli uu marayay marin-biyoodka Hormuz, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka.

Abu Dhabi, waxay sheegtay labo diyaaradood oo aan duuliye lahayn in markabkan lagu weeraray, balse uusan jirin wax khasaare ah, wallow warsaxaafadeedka lagu sheegay inay Iiraan ku howlan tahay tallaabooyin ay ku burburinayso dhaqaalaha Imaaraadka.

Iiraan ayaa ku wargelisay maraakiibta ganacsiga inay si xoog leh u weerarri doonto markab kasta oo isku daya oggolaasho la’aan inuu ku maro marin-biyoodka Hormuz, ka dib markii uu Trump ku dhawaaqay howlgal loogu diyaarinayo maraakiibta ganacsiga inay heli karaan aag ay isaga gudbi karaan oo marinka Hormuz ah, sida ay werisey Al Jazeera.

Dhinaca kale Xiisad cusub ayaa ka taagan xeebaha Yemen kadib markii ay adkaatay in dib loo soo celiyo markab shidaal qaada ee Imaaraadka oo lagu magacaabo “MT Eureka”, kaas oo laga soo afduubtay xeebaha gobolka Shabwah ee Yemen, islamarkaana ay saarnaayeen 12 badmaax oo u kala dhashay Masar iyo Hindiya, Waxaa sidoo kale soo baxaya shaki ah in Yemeniyiin ay ku lug leeyihiin dhacdadan.

Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya, afduubka markabkan waxaa fuliyay burcad-badeed Soomaali ah oo hubeysan, iyadoo isla markaana ay jiraan tuhunno la xiriira in dhinacyo Yemeniyiin ah ay ku lug leeyihiin hawlgalkan.

Sarkaalku wuxuu intaa ku daray in bbaaritaannada socda ay ku eegayaan suurtagalnimada xiriir ka dhexeeya afduubayaasha iyo kooxo hubeysan oo gobolka ka hawlgala, oo ay ku jirto kooxda Xuuthiyiinta.

Hay’adda Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegtay in dadaalladii lagu doonayay in lagu soo furto markabka ay la kulmeen caqabado waaweyn, sababo la xiriira awood xaddidan oo dhinaca doonyaha ah, kuwaas oo aan ku habboonayn hawlgallada badda furan.

Sidoo kale Markabkan ayaa siday ku dhowaad 2800 tan oo naafto ah uu sii watay safarkiisa isagoo ku wajahan xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu gacanta ugu jiray sagaal nin oo hubeysan oo la sheegay inay Soomaali yihiin, kuwaas oo isticmaalayay hub kala duwan oo ay ku jiraan qoriga loo yaqaan RPG.