Tuesday, October 13, 2026

Xuutiyiinta Oo ka Hadlay Duqayn Sacuudigu ku Beegsaday Shirkad Shidaalka Ee Al-Sabaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay duqeysay shirkad shidaal oo ku taalla deegaanka Al-Sabaha, galbeedka magaalada Sanca, kaddib markii ay soo saartay digniin dadka loogu sheegayay inay goobta ka baxaan ka hor inta aan la duqeyn.

Telefishinka ayaa soo xigtay ilo aan la magacaabin oo yiri: “Gardarro Sacuudi ah ayaa beegsanaysa shirkadda shidaalka ee Al-Sabaha, galbeedka Sanca.”

Mar sii horreysay oo maanta oo Talaado ahayd, isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa dadka rayidka ah ka codsaday inay ka baxaan xarun shirkad shidaal oo ku taalla duleedka galbeed ee caasimadda Yemen ee Sanca, si loogu diyaar garoobo waxa uu ku tilmaamay “hawlgal gaar ah oo bartilmaameedkiisu yahay mid muhiim ah”.