Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ah isbahaysiga ugu weyn ee mucaaradka, ayaa sheegay in warqada furan oo ay u direen madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ay ku codsadeen in shirka Kampala ee looga hadlayo mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM) lagu daro xal u helidda khilaafka siyaasadeed iyo muranka doorashooyinka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka tirsan hoggaanka Golaha Mustaqbalka, ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in guusha hawlgalka amniga aysan ku xirnayn oo keliya maalgelinta iyo taageerada ciidamada, balse ay ku xiran tahay in marka hore laga heshiiyo arrimaha siyaasadda iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.
“Waxaan aaminsanahay in waxa ugu muhiimsan ee la ilaalinayo ay tahay sharciyadda dowladda. Haddii aan siyaasadda laga heshiin, taageerada amniga oo keliya xal waara ma keeneyso,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Isagoo ka hadlayay shirka madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ee la filayo inuu ka qabsoomo Kampala 30-ka bishan, ayuu sheegay in Golaha Mustaqbalka uu doonayo in ajandaha shirka lagu daro dood ku saabsan sida xal siyaasadeed loogu heli karo khilaafka doorashada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale ku dooday in dowladda federaalka ay ku jirto marxalad kala guur ah, isagoo sheegay in sharciyadda madaxda dowladda ay tahay qodob u baahan in laga heshiiyo ka hor inta aan la go’aamin mustaqbalka hawlgalka Midowga Afrika.
Dhanka kale, wuxuu caddeeyay in Golaha Mustaqbalka uusan ku baaqayn in ciidamada AUSSOM ay dalka ka baxaan, balse uu rumeysan yahay in hawlgalku uu si waxtar leh u sii socon karo marka la helo heshiis siyaasadeed oo ay isku raacsan yihiin dhinacyada Soomaalida.
Wareysiga ayuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku guuldarreysatay dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay, halka uu sheegay in mucaaradku uu diyaar u yahay wada-hadal lagu gaaro heshiis siyaasadeed oo saldhig u noqda doorasho la isku raacsan yahay.
Warqadda Golaha Mustaqbalka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxda dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya ay isu diyaarinayaan shir looga arrinsanayo maalgelinta iyo mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika, xilli ay jiraan walaacyo ku saabsan taageerada dhaqaale ee hawlgalka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
