Dab xooggan ayaa ka kacay agagaarka magaalada Stourbridge ee West Midlands, Britain, waxaana ololku si degdeg ah ugu fiday dhul iyo guryo ku dhow. Qiiq badan iyo dab xooggan ayaa cirka isku shareeray, iyadoo xaaladdu ay cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah, waxaana dad badan laga daadgureeyay guryahooda si looga fogaado khatarta dabka. Adeegyada gurmadka iyo kooxaha dab-demiska ayaa goobta gaadhay, iyagoo dadaal xooggan ugu jira sidii loo xakamayn lahaa ololka loogana hortagi lahaa inuu sii fido.
Dabka ayaa sababay dhaawacyo iyo waxyeello hantiyeed, iyadoo xaaladda deegaanka si dhow loola socday. Saraakiisha ayaa dadka deegaanka kula dardaarmay inay ka fogaadaan meelaha halista ah, halka baadhitaanno lagu sameynayo sababta keentay dabkan iyo baaxadda khasaaraha uu geystay.
