Wakiilka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Jared Kushner, ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay yihiin kuwo “dhab ah oo ballaaran”, balse labada dhinac aysan weli gaarin is-afgarad ama heshiis wadajir ah.
Wareysi uu siiyay Fox News, Kushner wuxuu sheegay in wada-xaajoodyada u dhexeeya Mareykanka iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Iran ay hadda u muuqdaan kuwo ka xoog badan sidii hore, hase yeeshee wax heshiis ama is-afgarad ah weli lama gaarin.
Jared Kushner, oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe si uu u horumariyo qorshaha nabadda ee Qasa, ayaa kulan dheer la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Si kastaba, wada-hadalladaasi uma muuqdaan inay keeneen horumar weyn oo la taaban karo.
Kushner sidoo kale wuxuu Masar kula kulmay wafdi ka socda Xamaas, ka hor inta uusan u safrin Israel. Kulamadaasi waxay qayb ka yihiin dadaallada maamulka Trump ee lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin iyo qorshe siyaasadeed oo Qasa ah
