Sunday, November 29, 2026

Kulankii Maanta Dhex-maray Netanyahu iyo Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaridka Oo Natiijo La’aan ku Dhamaaday.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kulan xaasaasi ah oo gelinkii hore ee maanta dhexmatay Ra’iisal-wasaaraha xilka sii haya ee Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha isbahaysiga Mucaaridka Gadi Eisenkot, ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo labada hoggaamiye aanay wax heshiis ah isla qaadan.

War ay si wada-jir ah u soo saareen xisbiyada Likud iyo Yashar ee labadan siyaasi kala hoggaamiyaan, ayaa lagu sheegay in kulanku ahaa mid wax-ku-ool ah, inkastoo aan waxba la isku afgaran, iyadoo uu sida ay qortay warbaahinta The Times of Israel aanu jirin kulan dambe u mudaysan inuu dhexmaro Netanyahu iyo Gadi Eisenkot.

Netanyahu ayaa doonaya in la sameeyo dawlad wadaag ah oo xilka Ra’iisal-wasaaruhu meerto yahay, isla markaana uu Gadi Eisenkot noqdo Ra’iisal-wasaaraha hore ee xilka qaban doona, kadibna uu isagu xilka uga dambayn doono.

Waxa kale oo uu Netanyahu doonayaa in waqtiga xil-wareejinta dib loo dhigo oo loo ogolaado inuu isagu xilka sii hayo ilaa in muddo ah, si wax uga qabto xaalad amnio soo fool leh,lana xidhiidha dagaalka dalka Iran, balse waxa arrintaasi si xoogan u diiday hoggaamiyaha Mucaaridka Gadi Eisenkot.