Dowladda militariga ee Niger ayaa ansixisay xeer ciqaabeed cusub oo lagu tilmaamay mid ka mid ah sharciyada ugu adag Afrika ee lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dowladda. Sharcigan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka cusub uu ku adkeynayo la xisaabtanka masuuliyiinta iyo ilaalinta dhaqaalaha qaranka.
Sida uu dhigayo sharciga cusub, qof kasta oo lagu helo inuu lunsaday hanti dadweyne oo gaareysa 200 milyan oo CFA Franc (qiyaastii $350,000) ama ka badan, wuxuu wajihi karaa xabsi daa’in. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu yareeyo musuqmaasuqa saameynta ku yeeshay hay’adaha dowladda.
Sharcigu wuxuu sidoo kale dhigaya in qofkii lagu helo inuu lunsaday wax ka badan 1 bilyan oo CFA Franc (qiyaastii $1.7 milyan) uu wajihi karo xukun dil ah, taasoo ka dhigeysa Niger mid leh qaar ka mid ah ciqaabaha ugu adag qaaradda ee la xiriira dambiyada musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha.
Ciqaab adag ma joojin kartaa musuqmaasuqa Soomaaliya
