2
Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in ISRAEL ay raadineyso iney abuurto cadow cusub oo ay la dagaalanto.
Hakan Fidan wuxuu ISRL u direy digniintii ugu dambeysay, wuxuu u sheegay hadii ISRL ama cid kale ay isku daydo iney ka hor timaado danaha Turkiga in Ankara ay qaadi doonto talaabo adag isla markaana aysan jiri doonin cid celin doonta Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Turkiga wuxuu sheegay in Turkiga ay wax dhibaato ah ku hayn inuu dagaal galo, isla markaana wax cabsi haba yaraatee arrintaas ka qabin.
