Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si adag u diiddan tahay hadal ay ku tilmaantay mid marin-habaabin ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya, kaas oo la Xidhiidha xidhiidhada diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal si madax-bannaan u maamula arrimihiisa gudaha iyo dibadda, isla markaana ay xaq u leedahay inay la yeelato xidhiidh iyo iskaashi caalami ah dalalka iyo hay’adaha ay danaha wadaagaan.
Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in booqashada Madaxweyne Abdirahman Mohamed Abdullahi ee Israa’iil ay muujinayso koboca xidhiidhada caalamiga ah iyo doorka ay Somaliland ka qaadanayso masraxa diblomaasiyadda gobolka iyo tan caalamka.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland la leedahay Israa’iil iyo dalalka kale uu yahay go’aan madax-bannaan oo ku saleysan danaha qaranka, amniga gobolka iyo iskaashiga dhaqaale.
Ugu dambayn, Somaliland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto difaaca madaxbannaanideeda, nabaddeeda iyo xidhiidhadeeda caalamiga ah, iyadoo adkaysay in aanay aqbali doonin wax kasta oo lagu carqaladaynayo himilooyinka shacabka Somaliland.

