Madaxweynaha Shiinaha,Xi Jinping ayaa la filayaa booqashadii u horreysay 11 sanno ka dib inuu 24 bisha September 2026, ku tago Aqalka Cad ee Mareykanka oo wadahadallo uu kula qaadanayo Trump, iyadoo la sheegay in wadahadalladan diiradda lagu saarayo; xiriirka dhaqaale , khilaafka horumarinta garaad-gacmeedka (AI), xaaladda Taiwan iyo colaadda Bariga Dhexe.
Sida uu weriyay wargeyska Politico, oo sheegay Xi , maalinta xigta ee 25 September inuu soo gabagabeyn doono socdaalkiisa Mareykanka isagoo aan ka qaybgeli doonin shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee xilligaa ka socda New York.
Xi Jinping, isagoo ku sugan gudaha Mareykanka inuu haddana ka baaqsado shir madaxeedka Qaramada Midoobay, oo mar ahaa dhacdada ugu muhiimsan caalamka ,waxay xoojinaysa in Qaramada Midoobay ay lumisay muhiimadii ay caalamka ku lahayd , halka shirarkeeda ay noqdeen kuwa aysan waqti ku bixin hoggaamiyeyaasha sare ee caalamka, gaar ahaan quwadaha bariga oo si cad u sheega Qaramada Midoobay inaysan muhiimad ugu fadhin caalamka , markii ay ku guul-darraysatay faragelinta colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah oo xasuuqa Qasa uu yahay dhacdada ugu xooggan ee wiiqday saameyntii Qaramada Midoobay
