Putin Oo Uga Digay Erdogan in Hubka kaydka ciidanka Turkiga Ee Mareykanka loo Wareejiyo Ukraine

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwaynaha Ruushka Putin ayaa uga digay Erdogan in hubka ku jira kaydka ciidanka Turkiga ee Mareykanka uu soo saaro islamarkaana gantaallada ku jira inuu loo wareejiyo Ukraine, tallaabada wuxuu ku sheegay haddii ay dhacdo inay dhaawacayso xiriirka Moscow iyo Ankara.

Arintan ayaa timid markii Trump uu ka codsaday Erdogan in qaybo ka mid ah gantaallada Mareykanku soo saaray ee ay haystaan ciidanka Turkiga in la gaarsiiyo Ukraine, sabab la xiriirta Mareykanku inuu kayd badan oo hubkiisa ah ku lumiyay dagaalka Iiraan, xilli Ukraine ay hoos u dhac wajahayso, sida uu maanta weriyay telefishinka Ruushka ee RT