Mareykanka Oo Billaabay Bixinta Baasaboorro Gaar ah Oo Lagu Xusayo Maalinta Xoriyada

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa billowday bixinta Baasaboorro gaar ah oo loo soo saaray xuska guurada 250-aad ee ka soo wareegtay aasaaska dalkaas.

Baasaboorkan oo xambaarsan sawirka Madaxweyne Donald Trump, ayaa laga heli karaa oo keliya xafiiska baasaboorka ee magaalada Washington, D.C., iyadoo lagu helayo ballan hore loo sii qabsaday.

Dadka u soo safray helitaanka baasaboorkan waxaa ka mid ah John Hall oo ka yimid gobolka Alabama, isagoo warbaahinta NPR u sheegay inay sharaf u tahay lahaanshiyaha baasaboorkan maadaama uu yahay taageere weyn oo Trump ah.Trump ayaa hore isugu sawiray nuqullo kamid ah lacagta dalkiisa.