Israel oo qiratay Askar badan oo looga dilay dagaal ka dhacay Lubnaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ugu yaraan 18 qof ayaa lagu dilay koonfurta Lubnaan kaddib markii ay Israel duqeysay xalay sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

Militeriga Israel waxay iyaguna sheegeen in afar ka mid ah askartooda la dilay. IDF waxay kaloo sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahannada iyo kaabayaasha lala xiriirinayo Xisbullah.

Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii Mareykanka iyo Iran ay saxiixdeen heshiis ujeedkiisu yahay in lagu dhameeyo dagaalka Bariga Dhexe, waxaana heshiisk ka mid ah xabadjoojinta Lubnaan.

Weerarada Israel iyo Xisbullah ayaa weli socda ilaa markii lagu dhawaaqay heshiiska. Arintan waxay keentay su’aasha ku saabsan mustaqbaka xabadjoojinta Mareykanka iyo Iran.

Heshiiska Mareykanka iyo Iran waxa uu ku baaqaya in la joojiyo dhammaan dagaalada ka socda dhinac kasta, lana ixtiraamo xorriyadda iyo madaxbannaanida dhuleed ee Lubnaan.

Israel waxay sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in ciidamadeeda ay kala baxdo Lubnaan, waxayna ku adkeysatay in dagaalka ay kula jirto Xisbullah uu yahay mid ka duwan kan Iran.

Wakaaladda wararka Lubnaan waxay ku tilmaantay weerarkii xalay ee ka dhacay degmada Nabatieh ee koonfurta lubnaan kii ugu darnaa ilaa markii dagaalka uu bilowday.

Weerarka Israel ee Lubnaan waxaa ku dhawaacmay 33 qof, waxaana lagu burburiyay dhismooyin badan.

Xisbullah waxay sheegtay in ay weerartay ciidamada Israel ee koonfurta Lubnaan iyadoo burburisay saddex taangi. Waxay kaloo sheegteen Xisbullah in sidoo kale ay gantaal la heleen askarta Israel.