Dowladda Pakistan ayaa la sheegay inay xiriir toos ah llsoi sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dedejiyo xalinta xaalad la xiriirta badmaaxiin Pakistani ah oo ay afduubteen burcad-badeed ka hawlgasha xxeebaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in dadaallo diblomaasiyadeed ay socdaan si loo xaqiijiyo sii deynta badbaadada ah ee shaqaalaha markabka la afduubtay.
Sida lagu sheegay warbixinta, burcad-badeed hubeysan ayaa toddobaadkii hore la wareegay markab saliid sida oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inay qafaasheen 11 badmaaxiin Pakistani ah iyo kabtanka markabka oo u dhashay Indonesia.
Mas’uuliyiinta Pakistan ayaa sheegay in xaaladdu weli tahay mid isbeddel leh, iyadoo wada-hadallo iyo xiriir diblomaasiyadeed ay socdaan oo lala leeyahay dhinacyada ay quseyso, oo ay ku jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo milkiilaha markabka.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa sheegay in Islamabad ay si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay si joogto ah ula shaqeyneyso mas’uuliyiinta Soomaaliya si loo helo badbaadada dhammaan la haystayaasha.
Sidoo kale, waxa uu xusay in xaaladdan ay muujinayso khataraha sii kordhaya ee maraakiibta maraya biyaha gobolka, gaar ahaan meelaha istiraatiijiga ah ee ganacsiga caalamiga ah iyo tamarta.
