Dalka Yeman ayaa lagu qafaashay Safiirki Somaliland u fadhiyay Dalkaasi Amb. Idiris Aadan Raage, sida ay xaqiijiyen Ehelada Safiirka.
Ehelada Safiirka ayaa sheegay in 13-kii bishan June loo soo daatay xafiiska Somaliland ee magaalada Cadan islamarkaana halkaasi laga qafaashay, waxaana qoysku sheegeen in lagu xidhay xarunta Sirdoonka dalkaas, islamarkaana aanay wax kale oo xog ah ka helin intaasi wixii ka danbeeyay.
Amb. Idiris ayaa ka mid ah Dublamasiyiinta Somaliland ee firfircoon isagoo marka laga yimaado shaqada dublamasiyadeed xita ka shaqeeyay arrimaha nabadaynta gudaha Somaliland gaar ahaan xaaladii ka taagnayd gobolka Awdal oo uu kasoo jeedo safiirku.
