Guddoomiyihii gobolka Kordofan ee ay magacawday RSF,Hamad Maxamed Hamid ayaa isku dhiibay ciidanka militariga Suudaan, isagoo ka goostay RSF oo u aragta gobolka uu guddoomiyahan xukumayay wadnaha dagaalka ay kula jiraan militariga Suudaan.
Hamad, oo maanta la hadlay Al Arabiya ayaa ku eedeyay RSF inay burburinayso magaalooyinka Suudaan oo dil iyo gaajeysiin kula kacayso dadka rayidka ah,wuxuuna ku sheegay xaaladda ay ku suganyihiin dadka nool dhulka ay RSF maamulaan mid argagax leh.
Sidoo kale gudoomiye Hamid ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay dhibaatooyinka ay ciidanku ku hayaan shacabka, waxuuna dagaallamayaasha kooxdan ugu baaqay inay joojiyaan dilka dadkooda oo ay isku dhiibaan militariga.
