Lamaane ku nool dalka Indonesia gaar ahaanna gobolka Aceh ayaa lagu fuliyey xukun jeedal ah ka dib markii lagu helay in ay dhaqan xumo ku faafiyeen barta Tik tok xilli ay si tos ah live ugu jireen.
Maxkamad Islaamiya oo gobolkan ku taalla ayaa midkiiba 21 jeedaal ku dhifatay ka dib markii ay ku caddaatay in ay sameeyeen dhunkasho iyo dhaqan xumooyin kale iyaga oo live ku jira.
Gobolka Aceh oo ka mid ah gobollada ay sida xoogga leh u deggan yihiin Muslinta Indonesia, waxa sannadkii 2006-dii loo ogolaaday in ay fulin karaan arrimaha ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyada oo aan gobolkan laga ogolayn arrimaha ka hor imanaya Shareecada iyo dhaqanka Suubban ee Islaamka.
