17
Madaxweynaha Puntland ayaa maamul u magacaabay magaalooyinka Ceelbuh & Baraagaha-qol ee Sanaag iyo Hayland oo dhawaan uu ka dhigey degmooyin.
Guddoomiyaha Degmada Baraagaha-qol ee Gobolka Haylaan, waxa loo magacaabay; Cabdisalaan Qaalib Dalmar Ciise, halka Yaasiin Ceegaag Maxamed Yuusuf loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Baraagaha-qol.
Guddoomiyaha Degmada Ceel-buh ee Gobolka Sanaag, waxa loo magacaabay; Maxamed Axmed Cali , halka Cali Faarax Ismaaciil loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Ceel-buh.
