Toban Qof Oo ku Geeriyooday Markab Ganacsi Oo Lagu Weeraray Badda Madow

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Tirada dadka ku dhintay weerar Ruushku ku qaaday markab xamuul oo ku sugnaa meel ka baxsan xeebta magaalada Odesa ee dalka Ukraine ayaa gaartay 10 qof.

Ciidanka cirka ee Ukraine ayaa sheegay in markabka, oo watay calanka dalka Guinea-Bissau, lagu dhuftay gantaallo Ruushku soo riday maalintii Axadda, taas oo sababtay in uu dab qabsado markabka.

Hawlgal baadi-goob iyo samatabixin ah ayaa isla markiiba la bilaabay, wuxuuna socday habeenkii oo dhan.

Hay’adda dekedaha ee Ukraine ayaa saakay sheegtay in sagaal ka mid ah shaqaalaha markabka ay dhinteen, sidoo kalena uu geeriyooday mid ka mid ah shaqaalaha haga maraakiibta ee dekedda.

Weerarrada Ruushka ee lagu beegsanayo maraakiibta xamuulka ee maraya Badda Madow ayaa sidoo kale sii kordhay.

Weerarkii Axaddii lagu qaaday markabka Golden Leo, oo watay calanka Guinea-Bissau, ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa.