Saturday, April 25, 2026

Trump Oo hadda ku Dhawaaqay inuu Joojiyay Wafdigii Mareykanka ee tagi lahaa Pakistan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu joojiyay safar la qorsheeyay oo ay Pakistan ku tagi lahaayeen wafdi Maraykan ah oo ka koobnaa Jared Kushner iyo Steve Witkoff, kuwaas oo la filayay inay ka qayb galaan wada-hadallo nabadeed oo lala yeesho Iran.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Trump uu go’aankan shaaciyay intii uu la hadlayay Fox News, Wuxuu yiri;

“Waxaan u sheegay kooxdayda: Maya, ma aadaysaan safar duulimaad ah oo 18 saacadood ah si aad halkaas u tagaan. Dhammaan kaararka awoodda annaga ayaa gacanta ku haynaa,iyaga ayaa nala soo xiriiri kara marka ay doonaan, laakiin mar dambe ma samaynayaan safarro 18 saacadood ah oo lagu dilayo waqtiga lagana hadlayo wax aan waxba ka jirin.’”

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta safarka loo baajiyay lama bixin, balse tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo ay weli jiraan xiisado iyo caqabado ku xeeran wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Warbaahinta CBS News oo xiganaysa ilo Pakistani ah ayaa baahisay in inkastoo wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araghchi uu maanta ka baxay Islamabad,haddana waxaa suuragal ah inuu dib ugu soo laabto Pakistan berri ama maalinta ka dambeysa, halkaa oo la filayo saacadaha soo socda inay gaaraan wafdi ka socda Mareykanka.