Madaxweynaha Ivory coast Oo Baraha Bulshada Qabsaday Markii la Arkay Isagoo Dhex Jiifa Xujeyda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxaa baraha bulshada dib u qabsaday sawiro laga qaaday Madaxweynaha Ivory coast Al Hassan Watara oo sajaayad ku jiifo, isagoo iska diiday marti qaad ay u sameysay dowladda Sucuudiga.

Madaxwayne Al Hassan Watara oo ku guda jiro gudashada waajibaadka xajka, kuna hurda si nabad ah ayaa waxa xusid mudan inuusan wax ilaalo ah u soo kaxaysan xajka isagoo hantidiisa gaarka ah ku yimid xajka.

Tani waxay ku tusaysaa sida Islaamku dadka ugu simo cibaadada dhexdeeda; madax, taajir, miskiin iyo qof caadi ahba waxay wada istaagaan hal meel, hal labbis, hal ujeeddo, iyagoo Alle hortiisa isku mid ah.

Sanadka uu xajka tegay ma hubo balse wuxuu dib ii xasuusiyay mar uu Malcolm X xajka tegay waraaq uu xaaskiisa u qoray oo u dhignayd: “Qaalideyda Batty laga yaabee in aad rumeysan weyso waxa aan kuu sheegayo balse waxaan ku dukanayaa Makka, waxaan safka ku wada jirnaa nin caddaan ah iyo mid madow ah, waxaan hal saxan ku wada cunnaa nin caddaan indho buluug ah leh, waxaana hal koob ku wada cabnaa sheekh carbeed oo midab furan.”

Wuxuu sii raaciyay: “Inta aan joogo dhulkan barakeysan waxaan ogaaday in mushkiladda cunsuriyadda ee ka jirta Mareykanka lagu xallin karo tacaaliinta diinta Islaamka.