Mareykanka Oo ku Eedeyay Iiraan inay Bilowday Weerarrada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Mareykanka ayaa ku eedeynaya inay Iiraan bilowday weerarrada , xilli Iiraan ay sheegtay inuu Mareykanka yahay cidda caawa jebisay xabbad-joojinta.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska dhexe ee ciidanka Mareykanka , ayaa lagu yiri; “7-dii May, iyadoo maraakiibta USS Truxtun, USS Rafael Peralta iyo USS Mason ay marayeen marin-biyood caalami ah, waxay weerar kala kulmeen Iiraan oo adeegsanaysa tiro badan oo gantaallo ah, diyaarado aan duuliye lahayn iyo doonyo yaryar oo dagaal.

Ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada Mareykanka.”

Waxaa kaloo warsaxaafadeedka lagu sheegay:

“Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa burburiyay gantaalladii, diyaaradihii iyo doomihii lagu soo weerarray, waxayna beegsadeen xarumo militari oo Iiraan leedahay, kuwaas oo ay ku jireen goobaha laga ridayay gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weeraray ciidamada Mareykanka, iyo sidoo kale xarumaha taliska, kantaroolka goobaha sirdoonka, dabagalka iyo kormeerka.”