Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth ayaa ku warramay inay hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad la wadaagtay Trump inta uusan qaadan go’aanka duullaanka uu ku qaaday Iiraan , qorshe ay ugu sheegeen haddii uu ku dhaqaaqo si dhaqso ah inuu u burburin karo Iiraan.
Qorshaha Mossad ee wargeyska uu baahiyay , ayaa sidan u dhignaa; In dagaalka lagu billaabo dilka iyo sifeynta hoggaanka Iiraan, ka dibna gudaha Iiraan laga billaabo dagaal dhulka ah ,iyadoo la adeegsanayo xoogag wakiillo ah oo Kurdish ah.
Tan oo ay xigto in mudaharaadyo laga kiciyo waddooyinka Iiraan, ugu dambeyntiina lagu dhawaaqo afgambi iyo hoggaan cusub oo beddelaya nidaamka jira.
Laakiin warbixintu waxay sheegtay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance uu ka horyimid qorshahaas.
Waxaa sidoo kale la sheegay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan inuu wacay Trump , isagoo ku qanciyay inaan la adeegsan xoogagga Kurdiyiinta.
Xaaladan waxay beddeshay Trump, oo markii uu dagaalka galay arkay qorshaha Israa’iil mid aan shaqeynayn, maaddama sida ay usoo bandhigayeen dagaalka ee la filayay si degdeg ah in loo soo afjari karo ay gabi ahaanba shaqeyn wayday. Wuxuuna hadda Trump raadinaya hab uu dagaalka uga baxo.
Warbixintu waxay tilmaamaysaa inuu jiro niyad-jab weyn oo oo ay wajahday Israa’iil, taasoo xataa laga saaray inay door ku yeelato qorshaha xabbad-joojinta, waxaana gudaha Israa’iil looga kacay Netanyahu oo mucaaradku ku sheegeen mid fashilmay oo fadeexad dusha u saaray Israa’iil. See less
