Qiimayn Lagu Sameeyay Dagaalka Iran Oo Lagu Ogaaday In Maraykanku ku Fashilmay Dagaalkasi

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Majalladda Mareykanka ka soo baxda ee The Atlantic ayaa baahisay warbixin lagu sheegay Mareykanka inuu ku guul-darraystay dagaalka Iiraan oo uu lumiyay waddooyinka guul lagu gaari karo.

Qiimeyn ay daabacday majalladdu ayaa lagu sheegay in Mareykanku uusan gaarin himilooyinkii siyaasadeed ee uu dagaalka ka lahaa, isla markaana la joogo waqtigii diiradda la saari lahaa xakamaynta saameynta dagaalka halkii la sii wadi lahaa istiraatiijiyadda hadda jirta.

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qiimeynta lagu xusay waxaa ka mid ah:Sida ay majalladdu sheegtay, Mareykanku kuma guuleysan inuu xaqiijiyo guulaha siyaasadeed ee dagaalkan uu ka raadinayay, iyadoo isla waqtigaas uu marinka Hormuz noqday mid xirma, xaaladda Bab al-Mandeb ay kasii dartay, isla markaana ay hoos u dhacday awoodda Mareykanka ee uu kaga hortagi lahaa weerarrada Iiraan ku hayso xulafadiisa gobolka iyo maraakiibta ganacsiga.

Weerarradii la fuliyay sannadkii hore waxay barnaamijka nukliyeerka Iiraan dib u dhigeen muddo kooban oo keliya.

Inkastoo la adeegsaday hubka casriga ah ee Mareykanka, gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa sii waday inay bartilmaameedsadaan saldhigyada ciidamada, halka Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay sheegtay in kharashka dagaalku uu gaaray 37.5 bilyan oo doollar.

Majalladdu waxay aaminsan tahay in xakameynta xiisadda lagu gaari karo joojinta dagaalka iyo sidoo kale is-afgarad lala gaaro Iiraan ama la dhiso nidaam ka hortag oo ka waxtar badan, iyadoo sidoo kale la xoojinayo difaaca ka dhanka ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dib u habeynta joogitaanka ciidamada.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ballaarinta awoodda dhuumaha shidaalka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyo in la abuuro marino cusub oo sii mara Yemen, Cumaan iyo Suuriya, ay yareyn karto ku tiirsanaanta suuqyada tamarta caalamka ee marin-biyoodka Hormuz.