Shiinaha oo Somaliya ka Taageeraya Dhanka Difaaca iyo Amniga.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.

Intii uu kulanku socday, labada mas’uul waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda amni ee Soomaaliya iyo howlgalada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku ciribtireyso kooxaha argagixisada. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee ku saabsan tababarrada ciidamada, dhismaha awoodda hay’adaha amniga, isdhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo waxtarka ciidamada qalabka sida.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay mowqifka cad ee Shiinaha ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirku wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay qiimeynayso doorka Shiinaha ee taageerada nabadda, dib u dhiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa xaqiijiyey in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Beijing ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta awoodda hay’adaha qaranka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu garab istaagi doono dadaallada dowladda Soomaaliyeed ee lagu xaqiijinayo nabad waarta, xasillooni iyo horumar.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad ku saabsan sii ambaqaadidda wada shaqeynta labada dal, iyada oo la isku raacay in la dardargeliyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, si loo xoojiyo amniga, loo horumariyo awoodda ciidamada, loona taageero dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo dib u dhiska dalka.