1
Daahir Qaasim Cabdalle oo muddo 28 sannadood ah ku xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Hargeysa arrin la xidhiidha xuquuq madani ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisii, isaga oo ka mid ahaa maxaabiista ugu muddada dheer ee dalka ku xidhnaa.
Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in muddadii uu wasiirku xilka hayey la sii daayey maxaabiis badan oo muddo dheer u xidhnaa arrimo xuquuq madani ah, iyadoo mudnaanta la siinayo ilaalinta xuquuqda maxaabiista iyo hagaajinta xaaladahooda.
