Wasiirka dagaalka Mareykanka,Pete Hegseth ayaa mooshin xilka looga qaadayo loo gudbiyay golaha wakiillada Mareykanka ,sabab la xiriirta sida uu u maareeyay dagaalka Iiraan oo Mareykanku uusan ka gaarin wax natiijo guul ah, sidoo kalena aysan jirin waddo looga baxo, sida ay werisey CNN.
Warbixinta waxay sheegtay maamulka Trump inuu arkay mooshinka inuu yahay mid suragal ka dhigaya in wasiirkan xilka laga qaado, taasoo keentay in fasax waqti hore ah la galiyo golaha wakiillada Mareykanka si aysan codka kalsooni kala noqoshada ugu qaadin Pete Hegseth.
Sidoo kale guddoomiyaha golaha wakiillada Mareykanka, Mike Johnson oo ku dhow Trump uu maanta shaaciyay in wakiillada la galiyay fasax la soo hormiyay oo illaa bisha November ah, xilligaa oo ay dhacayso doorashada dhexe ee Mareykanka oo lagu soo dooranayo labada gole ee Baarlamaanka Mareykanka
