Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan iyo Xiisad u Muuqata Dagaal Oo Caawa ka Taagan Muqdisho

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisad u muuqata mid dagaal ayaa caawa ka jirta magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha u dhow guryaha ay deggan yihiin xubnaha mucaaradka.

Xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir, gaar ahaan halka uu deggan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, ayaa lagu soo daadiyey ciidamo ka tirsan kuwa NISA iyo Boolis Milatari, kuwaas oo su’aalo weydiinaya dadka maraya nawaaxigaasi.

Goobaha lagu arkay ciidamadan hubeysan waxaa sidoo kale fariisin ciidan ku leh ciidamo taageersan Madaxweyne Sheekh Shariif, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay isku dhacaan labada dhinac.

Galabta shir jaraa’id oo uu qabtay Sheekh Shariif ayuu eedeymo waaweyn u jeediyey Madaxweyne Hore Xasan Sheekh, isagoo ku eedeeyey in ciidankii qaranka ee loogu talagalay dagaalka AS loo adeegsanayo caburinta mucaaradka.