Afgaanistaan Oo ku Dhawaaqday in ciidamadoodu Weerareen Fariisimo Milatari oo Pakistan ah

Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday in ciidamadoodu ay weerarro ku qaadeen fariisimo milatari oo Pakistan ku leedahay xadka u dhexeeya labada dal, taas oo jawaab u ah duqeymo ay Pakistan toddobaadkii hore ka fulisay gudaha Afgaanistaan.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee taliska milatariga Afgaanistaan ee bariga dalkaa ayaa lagu sheegay in isku dhacyo culus ay hadda socdaan, kuwaas oo lagu sheegay inay jawaab u ahaayeen duqeymo ay ciidamada Pakistan ka geysteen gobollada Nangarhar iyo Paktia ee gudaha Afgaanistaan.

Afhayeenka dawladda Afgaanistaan, Zabihullah Mujahid ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, wuxuu yiri ; “Waxaan bilownay howlgal milatari oo ballaaran oo lagu beegsanayo saldhigyada iyo xarumaha milatari ee Pakistan ee ku teedsan khadka Durand, iyadoo weerarradan looga jawaabayo kicinta iyo xadgudubyada soo noqnoqda ee ciidamada Pakistan.”

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan