Dmitry Peskov oo ah afhayeenka madaxweynaha Ruushka, ayaa maanta warbaahinta u sheegay In si ku meel gaar ah u istaagay wadahadaladii lagu soo afjarayay dagaalka Ukraine
“Wadahadalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine ayaa si ku meel gaar ah u istaagay, sababo la xiriirta dagaalka ka socda Iiraan.”
Hoggaamiyeyaasha reer Yurub ayaa aaminsan dagaalka Iiraan, in ka badan dhinac kasta oo kale inuu Ruushka yahay cidda faa’iidada ku qabta, dhowrkan arrin darteed;
•Ruushka wuxuu dagaalkan ka helay hubkii reer galbeedka gaar ahaan gantaallada iyo difaaca inuu Mareykanka isugu geeyay bariga dhexe, halkaana lagu daciifiyo, taa oo saameyn mustaqbalka ah yeelanaysa.
•Si u muuqata in Mareykanka uu laalushayo Ruushka oo uu waydiisanayo inuu hoos u dhigo dagaalka Ukraine , wuxuu Mareykanka cunaqabatayntii ka qaaday shidaalka Ruushka , halkaa oo balaayiin dollar uu maalintii ka helayo Ruushka , taa oo ah walaaca u sarreeya ee reer Yurub oo aaminsan lacagtan inuu Putin ku maalgalin doono dagaalka Ukraine.
•Ruushka wuxuu sidoo kale wax ka baranaya hubka Mareykanka , gaar ahaan gantaalka Tomahawk oo Ukraine ay muddo dheer ka raadinaysay Mareykanka si ay ugu weerarraan gudaha Ruushka.
HNN