AHUN Fanaanadii Wayneyd Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal Oo ku Geeriyootay dalka Mareykanka.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Alle ha u naxariisto waxa dalka Mareykanka ku geeriyootay fanaanadii Shankaroon Axmed Yuusuf ( Sagal) , oo ka mid ahayd hoobolladii Waaberi .

Shankaroon oo ku barbaartay magaalada Hargeysa , waxa ay fanka ku biirtay sanadkii 1969 , waxaana heestii ugu horeysay ee ay qaaday oo ahayd Goor iyo Ayaan sameeyay Abwaan Aadan Tarabbi Jaamac , laxankana waxa saaray fanaankii Rashiid Bullo .

Waxa ay ka mid ahayd hablihii ugu caansanaa fanka Soomaalida sanaddihii 1970-yadii iyo 1980-yadii , iyada oo muddo ka badan 30 sano ku noolayd Mareykanka oo bilihii ugu dambeeyay ay ku xanuunsanaysay .