Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Arbacadii ku wada xiriiray khadka taleefanka, iyagoo ka wada hadlay horumarrada ugu dambeeyay ee gobolka iyo xaaladaha caalamiga ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Qasriga Amiirka ee Amiri Diwan.
Labada hoggaamiye ayaa isla soo qaaday dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo dejinta xiisadaha iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka bariga dhexe. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-tashiga iyo iskaashiga arrimaha danaha labadda wadan, iyo taageeridda xal u helidda khilaafaadka iyada oo loo marayo wada hadal iyo waddooyin nabadeed ayaa lagu yiri bayaanka.
Wicitaanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iyo fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan.