Anthony Albanese: 3 askari oo Australian ah ayaa la socday markabkii gujiska ahaa ee dajiyey kii Iiraan

Sida uu sheegay Raisal wasaaraha Australia, Anthony Albanese, saddex qof oo Australian ah ayaa ku jiray gujis Maraykan ah oo qayb ka ah howlgallada milateri ee gobolka. Gujisku wuxuu ku  burburiyay markab milateri oo ay Iraan lahayd badweynta Hindiya, meel u dhow Sri Lanka.

Albanese wuxuu caddeeyay in askartaan Australian-ka ah aysan si toos ah uga qeyb qaadan weerarka laftiisa. Taas macnaheedu waa in aysan qaadin hub ama qorsheeyn weerarka, balse ay ku jireen gujiska, iyaga oo ku qaadanaayey tababar iyo la socoshada howlgalka iyadoo loo marayo heshiiska AUKUS. Heshiiska AUKUS waa mid u dhexeeya Australia, Maraykanka, iyo Boqortooyada Ingiriiska, waxaana ujeedkiisu yahay iskaashi milateri iyo tababar ku saabsan hubka casriga ah sida gujisyada iyo diyaaradaha dagaalka.

Dowladda Australia ayaa caddeysay in Australia aysan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka ka dhanka ah Iran, inkastoo askarta Australia ay ku sugnaayeen gujiska. Arrintani waxay muhiim tahay maxaa yeelay waxay muujinaysaa in Australia ay ka fogaaneyso dagaalka tooska ah, laakiin ay weli ka qeyb qaadan karto tababar iyo taageero farsamo oo dhinaca milateriga ah.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan